Home Wararka Somaliya Jubbaland Axme Madoobe oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Xili Ceel ay...

Axme Madoobe oo la Kulmay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Xili Ceel ay kusii Wajahanyihiin(Sawiro)

0
Madaxweynaha  Jubaland Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.
 
Kulanka labada dhinac dhax maray ayaa looga wada hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee laga dhigay Magaalada Ceel-Waaq iyo sidii loo dardar galin lahaa qabsoomida doorashadaasi.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa  balan qaaday in Jubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin sidii loo dhameestiri lahaa doorashada gollaha shacabka ee Jubbaland ku harsan.
Guddiga doorashada heer federaal iyo heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa sidoo kale la filayaa in ay tagaan magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, si halkaasi uga qaban qaabiyaan doorashada 16-ka kursi ayna korjeegteeyaan guddiga heer federaal.
Ad
Previous articleYaa loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga doorashada ee Guddoonka Gollaha Shacabka ? (Sawirro)
Next articleMusharax Madaxweyne Siciid Deni oo Si aan caadi ahayn loogu Soo Dhaweeyey Garawe(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here