Home Wararka Somaliya Shir Muqdisho uga socda Musharaxiinta iyo R/W Rooble

Shir Muqdisho uga socda Musharaxiinta iyo R/W Rooble

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa maqribkii ilaa hada hoteel Jaziira shir kula leh xubnaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna kala hadlayaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Rooble oo Galabta gaaray Hotelka Jaziira ayaa Kulamo la qaatay Masuuliyiin iyo siyaasiin Ku sugnaa Hotelka Jaziira ee Muqdisho waxuuna  ka dib ku Biiray Shirka Musharaxiinta.

Shirkaan waxaa markii 2-aad ka maqan RW hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre lamana ogo sababta uu uga baaqsaday kulamada Rooble iyo mucaaradka ee Muqdisho ka dhacay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Xalay waxaa Muqdisho Heshiis Ku saxiixday Xubnaha Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Dowladda Soomaaliya waxaana Hadda soconaya Wajiga 2aad ee Shirka

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble iyo Xasan Cali Khayre oo Muqdisho shir uga socdo.
Next articleXildhibaan Ihaan Cumar oo mooshin cunaqabateyn ah ka gudbisay Amiirka Sacuudiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here