Home Wararka Somaliya Sawiro: Qaabka Madaxweynaha Galmudug loogu soo dhaweeyay Deegaanada lagala wareegay Kooxda Shabaab

Sawiro: Qaabka Madaxweynaha Galmudug loogu soo dhaweeyay Deegaanada lagala wareegay Kooxda Shabaab

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa kormeer ku tagay goobihii laga saaray Al-Shabaab ee gobolka Mudug.

Qoor-qoor ayaa safar dheer oo dhulka ah kaga ambabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug asagoona maanta magaalada Wisil ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee howlgalada ka wada halkaas ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay wisil asagoona halkaas warbixin kaga dhageystay.

Madaxweynaha oo safarkiisa sii wata ayaa kormeer ku sii maray deegaano ka tirsan Bacadweyne asagoona ugu danbeyntii tagay Degmada Bacadweyne oo ciidamada qalabka sida ay dhawaan kala wareegeen Al-shabaab.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga  Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa galinkii danbe ee maanta kormeerkiisa kusoo afmeeray Degmada Camaara iyo deeganada hoos yimaada.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku soo laabtay Garoowe
Next articleRaisal Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashada heer federaal lana dardaarmay ( Sawiro )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here