Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku soo laabtay Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ku soo laabtay Garoowe

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta dib ugu laabray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibril, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan Karaash, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Wakiilada , Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, ku xigeenka 2-aad  Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanno, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Ciidan.

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullahi Deni ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu uga qeyb galay shirkii Golaha wadatashiga doorashooyinka, waxaana sidoo kalena uu tegay Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo Deg Deg ku gaaray Deegaanada lagala wareegay Kooxda Shabaab
Next articleSawiro: Qaabka Madaxweynaha Galmudug loogu soo dhaweeyay Deegaanada lagala wareegay Kooxda Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here