Home Wararka Somaliya Raisal Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashada heer federaal lana dardaarmay...

Raisal Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashada heer federaal lana dardaarmay ( Sawiro )

0

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

Xubnaha guddiga ayaa Raisul Wasaaraha kaga warbixiyey qorsheyaasha ay ugu talo galeen iney ku qabtaan doorashooyinka labada aqal ee dhowaan ka bilaabanaya dalka.

Roobe ayaa dhinaciisa ku amaanay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal dedaalka ay wadaan ee ku aadan sidii ay doorashooyinka ugu qabsoomi lahaayeen qaab hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay guddiga inay doorashada u maamulaan si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.

Ad
Previous articleSawiro: Qaabka Madaxweynaha Galmudug loogu soo dhaweeyay Deegaanada lagala wareegay Kooxda Shabaab
Next articleDagaal saacado qaatay oo Gobalka Mudug ku dhexmaray Alshabaab iyo dadka Deegaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here