Home Wararka Maanta Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Gabadhiisa oo...

Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Gabadhiisa oo Qaab layaab leh loogu Dilay Kismaayo

0

Waxaa caawa magaalada Kismaayo lagu dilay Taliye ku xigeenkii guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka, Ismaaciil Sheekh Isxaaq iyo laba gabdhood oo Awoowe uu u ahaa.

Sida ay warar lagu kalsoonaan karo noo  xaqiijiyeen iyo  ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, sarkaalka iyo labadaas gabdhood waxaa lagu dilay qarax miino oo guriga loogu xiray.

Sidoo kale seddax qof oo isla qoyska ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa baritaano culus ka wada xaafadda Guul-wade ee magaalada Kismaayo oo ah xaafadda uu ku yaallo guriga lagu qarxiyey qoyskaan.

Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa dishay marxuumka, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, mana jirto cid ilaa hadda loo soo qabtay dilka Cabdirashiid, kooxda Al-Shabaab ayaa beegsata ergada soo doorata xildhibaanada Soomaaliya

Ad
Previous articleBeesha Caalamka Oo Baaq Udirtay Xildhibaanada labada Aqal ee Beri Madaxweynaha Soomaaliya Dooranaaya
Next articleInta Badan Ciidamadii Ahlusuna ee Ka Dagaalamay Dhuusamareeb oo lasoo Qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here