Home Wararka Maanta Inta Badan Ciidamadii Ahlusuna ee Ka Dagaalamay Dhuusamareeb oo lasoo Qabtay

Inta Badan Ciidamadii Ahlusuna ee Ka Dagaalamay Dhuusamareeb oo lasoo Qabtay

0

Waxaa Xalay Saqdii Dhexe Ciidamada Federaalka iyo kuwa Galmudug isku soo dhiibay koox horjoogayaal ah oo uu hoggaaminayay Cabdulaahi Cabdi Raage oo kamid ahaa xubnaha sare ee Kooxda la baxday Ahlusunna, dhamaan hubkii ay wateen waxaa la wareegay laamaha amniga.

Waxaa sidoo kale socda qorshe socda oo ay isku soo dhiibi rabaan tiro kale oo iminka lagu howlan yahay, qorsheynta habkii hubka looga dhigi lahaa.

Gaadiidka Ahlusuna Qeybo kamid ah oo Qoryihii laga furtat ayey la wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Deegaanka Qalaanqalle oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka Tirsanaa ASWJ ayaa ka dhego adeegay in ay baabuurta dhiibaan laakiin 30 daqiiqo xabbad socotay ayaa lagu guulaystay in nolosha lagu qabto.

Sidoo kale Baabuurtii waxaa la wareegay ciidanka dowladda.

Ad
Previous articleSarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Gabadhiisa oo Qaab layaab leh loogu Dilay Kismaayo
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mushrixiinta oo Bixinaaya Lacago aan Caadi ahayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here