Home Wararka Maanta Saddex Arimood oo Sabab u ahayd in Cabdixaashi Markale Loo Doorto Gudoomiyaha...

Saddex Arimood oo Sabab u ahayd in Cabdixaashi Markale Loo Doorto Gudoomiyaha Aqalka Sare

0

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo maanta mar kale loo doortay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu dhaqdhaqaaqa badnnaa sannadihii lasoo dhaafay, dhowr jeer ayuuna magaciisa ku lifaaqnaa arrimo hadal hayn ballaaran ka dhex dhaliyay Soomaalida.

Kaddib guushiisii maanta oo uu kursiga uga difaacday musharaxiinta kala ahaa Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe, waxaa baraha bulshada qabsaday hambalyada ay u dirayaan siyaasiyiinta iyo qaybaha kale ee bulshada.

Hase yeeshee dadka qaar waxay sidoo kale xasuustaan xilliyadii Senator Cabdi Xaashi lagu hadal hayay baraha bulshada isagoo dhexda uga jiray mowduucyo qaarkood xasaasi ahaayeen.

Waxaan tusaale usoo qaadanaynaa saddex ka mid ah arrimahaas.

1- Dhiibistii Qalbi dhagax

Bishii September ee sannadkii 2017-kii, waxaa soo baxday in Qalbi Dhagax oo laga soo qabtay magaalada gaalkacyo, waxaa la geeyay Muqdisho, ka dibna lagu wareejiyay Itoobiya oo u qaaday dalkeeda. Waxaana la dhigay Xabsi

Qalbi dhagax oo markii dambe la sii daayay ayaa lagu soo dhaweeyay Kenya

Dawladda Soomaaliya waxay xilligaas ku adkeysatay in dhiibitaanka Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ay ahayd mid loo maray sharciga.

Qaar badan oo ka mid ah shacabka Soomaalida ayaa kasoo horjeeday tallaabadaas, waxaana dadka ugu cad cad ku jiray Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo xilligaas ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare, maanta dib loogu doortay xilkaas.

Horaantii sanadkan, Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ay soo saareen ugasoo hor jeestay fikirka ku aaddan in ururka ONLF uu yahay jabhad argagixiso ah, waxayna sidoo kale khalad ku tilmaameen go’aankii hore ee dhiibista Qalbi dhagax.

Mar kale siyaasiyiinta ugu horreeyay ee go’aankaas dambe taageerada ballaadhan u muujiyay waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Markaas waxa uu sheegay in la saxay khalad ay gashay dowladda uu hoggaanka u hayay Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaad saxdeen dambi horay u dhacay, oo dowladdii uu Farmaajo madaxda ka ahaa ay gashay, kaas oo ahaa in la dhiibo Cabdikariin Muuse Qalbi Dhagax, oo aan dalkiisa ka gelin wax dambi ah, ururka ONLF oo u dagaallama xorriyadda Soomaalida dulman ee la haystana ku sifaysay urur argagixiso ah,” ayuu ku yidhi warbaahinta.

2- Arrintii Farmaajo

In muddo ahba waxaa soo jiitamayay khilaaf sal adag yeeshay oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Inta badan khilaafkani waxa uu daba socday arrimo siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka, asxinta xeerar iyo shirar looga hadlayay arrimo ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Qaadicidda doorashada

Inta ay socdeen dadaallada ku aaddan doorashada muranka dhalisay ee Soomaaliya, guddoomiye Xaashi waxa uu qayb ka ahaa siyaasiyiinta xuddunta u ah khilaafka.

Bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay waxaa dhowr jeer warbaahinta qabsaday hadallo kasoo baxay Cabdi Xaashi oo sheegayay in laga hor istaagay shirarkii waanwaanta doorashada.

Ad
Previous articleMuxuu salka ku hayaa safarka Axmed Karaash ee Gaalkacyo xilli khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo Deni?
Next articleP.M Rooble oo Amar Adag Siiyay Ciidamada ATMIS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here