Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Amar Adag Siiyay Ciidamada ATMIS

P.M Rooble oo Amar Adag Siiyay Ciidamada ATMIS

0

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray ciidamada ATMIS/AMISOM iney la wareegaan amaanka xarunta teendhada Afisiyooni oo la filayo in beri lagu qabto doorashada gudoonka golaha shacabka BFS

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota” ayuu yiri Rooble

Hoggaanka ATMIS ayuu sheegay Roble inay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskiisa iyo Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka.

“Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga” ayuu yiri Rooble.

Talaabadan ayaa u muuqata mid looga hortagayo in fadhiga beri ay ka qeyb galaan Xildhibaano la sheegay in lagu soo doortay Garbahaarey oo gadaal ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Ad
Previous articleSaddex Arimood oo Sabab u ahayd in Cabdixaashi Markale Loo Doorto Gudoomiyaha Aqalka Sare
Next articleFarmaajo oo Go.aan adag Kasoo Saray War uu Goordhow Rooble Soo Saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here