Saadaam Xuseen: Maxay askarta Mareykanka u ooyeen markii la daldalayay Madaxweynihii hore ee Ciraaq?

12 askari oo Mareykanka ah – oo loo diray in ay waardiyeeyaan Saadaam Xuseen – ayaa lagu tilmaamay in ay ahaayeen saaxiibbadii ugu dambeeyay ee uu yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq.

Waxay ahaayeen askar laga soo xushay ciidamada booliska ee ay tiradoodu ahayd 551 askari, kuwaasoo qaabilsanaa amniga Saadaam ilaa intii laga dilayay.

Waxaa lagu naaneysayay “12-ka askari ee heerka sare ah”.

Mid ka mid ah askartaas, oo lagu magacaabo Will Bardenwerper, ayaa qoray buug uu u bixiyay ‘Maxbuus ku jira qasrigiisa, ilaaladiisa Mareykanka ah iyo taariikhda uu ka tagay’.