Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Karaash oo Deni Ka aqbalay Qodob xasaasi ah kadib wada-hadalladii aygaleen

Karaash oo Deni Ka aqbalay Qodob xasaasi ah kadib wada-hadalladii aygaleen

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada caasimadda Garoowe.

Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa looga hadlay xallinta khilaafkii dib uga dhex qarxay labada mas’uul kaas oo saamayn ku yeeshay hay’adaha dowladda.

Siciid Deni ayaa sida wararku sheegayaan bilowgii kulanka ka sheegay in labadoodu isku doon saaran yihiin, islamarkaana ay mas’uuliyadeeda wadaagaan wixii ka khaldama dowladda.

Madaxweynuhu wuxu codsaday in khilaafkooda ay si hoose u xallistaan isagoo xusay in uu mar kasta diyaar u yahay xalka si looga gudbo is-marin-waaga taagan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sida la xaqiijjiyay dhankiisa aqbalay codsiga Madaxweynaha ee ku aaddan in khilaafkooda ay iyagu xallistaan waxaana markaas loo gudbay wada-hadal garnaqsi ah.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qodobka ugu muhiimsan ee laga hadlay uu ahaa sida laga yeelayo saddexdii wasiir ee xilka qaadista uu ku sameeyay Axmed Karaash.

Wada-hadal dheer kadib waxaa lagu heshiiyay in xilka qaadistii saddexda wasiir uu ka noqdo Madaxweyne ku xigeenka loona daayo xilalkooda.

Kadib markii qodobkaas laga heshiiyay ayaa loo ballamay kulan kale oo ku saabsan arrinta Agaasimayaashii uu xilka qaadista ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka.

Kulanka danbe ayaa sidoo kale la filayaa in ay qayb ka noqdaan arrima kala duwan oo loo fulin doono Axmed Karaash

 

 

Ad
Previous articleSaadaam Xuseen: Maxay askarta Mareykanka u ooyeen markii la daldalayay Madaxweynihii hore ee Ciraaq?
Next articleWaa Kee Dalka Labaad ee uu Booqan Doono Madaxweyne Xasan Shiikh Imaaraadka Kadib?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here