Home Wararka Caalamka Colaadda Itoobiya: “Meydadku waxay daadsan yihiin tuulooyinka oo dhan”

Colaadda Itoobiya: “Meydadku waxay daadsan yihiin tuulooyinka oo dhan”

0

Dad goob-joogeyaal ah oo BBC-da uga waramayay rabshado isir ku saleysan oo ka dhacay galbeedka Itoobiya ayaa sheegay in aysan u suurtagelin in ay badbaadiyaan nolasha dadkii halkaa lagu laayay oo gaarayay in kabadan 250 qof.

Nin ka mid ah goob-joogeyaashaasu ayaa sheegay in isaga iyo dadka kale oo ay wada deggan yihiin hal tuulo ay aaseen meydadka ilaa 250 qof. Dadakasi waxaa ka mid ahaa walaalkii iyo dumaashidiis.

Tiradaasi dhiamshada ahi si rasmi ah oo madax-banaan looma xaqiijin balse dadka goob-joogeyaasha ahi ayaa sheegaya tiro aad isugu dhow.

Dadka la laayay ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan qowmiyadda Axmaarada, waxaana laayay fallaagada Oromada ee OLA.

Jabhadda xoreynta Oromada (OLA) ayaa iska fogeeysay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxa ayna sheegtay in “askarta dowladda oo dib-u-guranaya” ay ka dambeeyeen weraradaasi. Afhayeen u hadlay jabhaddaasi ayaa eeda dusha uga tuuray koox maleeshiyaad ah oo ay sameysay dowlad deegaanka Oromiya.

Sida laga soo xigtay dad goob-joogayaal ah, weerarradani ayaa ka dhacay lix tuulo oo ay deggan yihiin dad beeraley ah oo ku yaal degmada Gimbi, oo ka tirsan galbeedka Oromia.

Warvaahinta oo isku dayday in ay xog dheeraad ah ka hesho mas’uuliyiinta deegaanka iyo afhayeenka gobolka Oromia ayaysan u suurtagelin.

Deegaankaasi ayaa indhawaale waxaa ka dhacayay dagaallo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa OLA. Weerarradani ayaa laga yaabaa in ay la xiriiraan dagaalladaasi, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee dowladda Itoobiya.

Nin gabar uu dhalay oo 16 jir ah ay ku jirtay dadka la laayay, ayaa yiri: “Waxaa la ii sheegay in tuulooyinka oo dhan ay ka buuxaan meydad.

Weerarka ayaa la sheegayaa in uu billowday abbaare sagaalkii aroornimo ee subaxnimadii Sabtida, wuxuuna socday ilaa abbaaraha kowdii duhurnimo. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay si deg deg ah u waceen maamulka degmada balse gurmadku uu yimid saacado kaddib.

“Ciidamada gaarka ah ee gobolka iyo ciidaamda milatariga waxay yimaadeen abbaare shanti galabnimo, ma jirin cid noo timid ilaa markaasi,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Koox u dooda xuquuqda dadka Amxaarada ayaa tirada dhimashada ku sheegtay 378 qof, waxayna sheegtay in la xaqiijiyay magacyada 176 ka mid ah dadkaasi.

Qof goob-jooge ah ayaa isna BBC-da u sheegay in marka laga soo tago dadka goobta lagu laayay, ay jiraan dad kale oo ay qafaasheen kooxihii weerarka soo qaaday.

“Kaddib markii ay qabteen, waxay ku laayeen gudaha kaynta, 50 qof oo mayd ah ayaa laga helay kaynta,” ayuu yiri.

“Waxay galeen guryaha dadka Amxaarada ahi, waxa ayna billaabeen in ay dilaan,” ayuu sii raaciyay.

Sida uu sheegay ninkani, tuulada Gutu oo kaliya waxaa lagu dilay siddeed qof kaddib markii la gubay guryahoodii. Sidoo kale, waxaa uu sheegay in tuuladaasi lagu aasay 35 qof oo kale, halka tuulada kale ee lagu magacaabo Silsaw lagu aasay 102 qof.

Warbaahinta ma shaacin kareyso magacyada dadka xogtani nala wadaagay sababo la xiriira amnigooda.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay rabshadahani kuwo aan la aqbali karin.”

“Looma dulqaadan karo falalka argagaxa leh ee galaaftay nolosha dadka ee dhawaan ka dhacayay labada gobol ee Beninshangul iyo Oromiya, kuwaasi oo ay geysanayaan canaasiir u jeeddadooda ugu weyn ay tahay in ay argagixiyaan bulshada,” ayuu yiri Abiy Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Soo celinta nabadda iyo amniga bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey ayaa weli ah mudnaantayada muhiimka ah,” ayuu sii raaciyay.

Dalka Itoobiya ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay rabshado aan horay loo arag oo ay ku dhinteen kumannaan qof, halka malaayiin kalena laga barakiciyay deegaannadooda.

Dalka waxaa sidoo kale halakeeyay dagaal sokeeye oo ka socday waqooyiga gobolka Tigray, kaa oo soo billowday Nofembar 2020

 

 

 

Ad
Previous articleGudoomiyihii Xisbiga mucaaradka ah ee UCID u qaabilsanaa gobolka Sool oo La Dilay
Next articleSaadaam Xuseen: Maxay askarta Mareykanka u ooyeen markii la daldalayay Madaxweynihii hore ee Ciraaq?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here