Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo u Safray Dalka Imaaraadka Carabta kadib raaligalintii u Dhawaan...

Raysulwasaare Rooble oo u Safray Dalka Imaaraadka Carabta kadib raaligalintii u Dhawaan Siiyay

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku sii jeeda dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib martiqaad rasmi ah uu ka helay dowladda Imaaraadka Carabta.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay.

 

iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu xumaaday, dhacdadii Ciidamada Amniga kula wareegeen lacag mallaayin dollar ah oo u socotay Safaaradda Imaaraadka, is hor-taagna lagu sameeyay diyaarad Diblomaasiyiin Imaaraad la socdeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horraantii bishan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadaas, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018. Tallaabadaas ayaa irdaha u furtay inuu dib caadi ku soo laabto xiriirkii labada dal.

 

 

Booqashada Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka Carabta ayaa la aaminsan yahay inuu safarkiisa ku soo aadayo xilli ay Khaliijka, Geeska Afrika iyo Badda Cas ay ka abuurmayaan is xulufeysi cusub. iyadoo shalay uu Imaaraadka tagay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, halka uu maalmo ka sii horna uu tagay Madaxweynaha Masar Abdelfatah Al Sisi.

Ad
Previous articleBulshada Rayidka oo Sheegtay inay la Baalmaray Habraacyadii Doorashada ee lagu Heshiiyay
Next articleDeg Deg Gobalka Banaadir oo Xayiray Lacagtii imaaraadka Xili Rooble usafaray Dalkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here