Home Wararka Maanta Bulshada Rayidka oo Sheegtay inay la Baalmaray Habraacyadii Doorashada ee lagu...

Bulshada Rayidka oo Sheegtay inay la Baalmaray Habraacyadii Doorashada ee lagu Heshiiyay

0

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada rayidka ah Cismaan Shaatax, ayaa sheegay in aan dhaqangelin heshiiskii doorashooyinka ee ay dhawaan gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Cismaan Shaatax Guddoomiyaha ururrada Bulshada rayidka oo ka hadlay taleefishinka UNIVERSAL ayaa sheegay in ay soo baxayaan cabshooyin la xiriira hufnaanta doorashada dalka ka socota waxana uu ku taliyay in la tixgeliyo heshiisyada laga gaaray Doorashooyinka.

Hirgelinta heshiisyadii looma dhaqangeliyo sidii la rabay ama uu u qornaa, Doorashada meelaha qaar ma daah-furna, meelaha qaar ergooyinka iyo dadkooda la xakameynayo oo aan fursad la siineyn” ayuu yiri guddoomiye Shaatax.

Gudoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ayaa sheegay in uusan jirin wax isbedel ah dhinaca hufnaanta doorashada ah waxana uu ka digey is qabqabsi iyo cabasho badan ay ka dhalato doorashada sida xowliga ah uga socota dalka.

Inta badan doorashada ka socota dalka ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ergooyinka ay yihiin kuwo ay soo xushaan musharaxiinta tartamaysa taasina ay keento in si fudud loo doorto musharaxii soo qortay ergada.
Sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa magaalooyinka ay ka dhacaysa doorashada in la diido musharaxiinta qaarkood iyadoo inta badan ay ku soo baxaan doorashada xildhibaanada ay madaxda dowlad goboleedyada heshiiska yihiin.

 

Ad
Previous articleMaxkamad 51 Qof Dil Ku Xukuntay Kadib Dilal ay Geesteen
Next articleRaysulwasaare Rooble oo u Safray Dalka Imaaraadka Carabta kadib raaligalintii u Dhawaan Siiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here