Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Xamze oo la kulmay Wafdi ka socda Bangiga aduunka

Ra’isul Wasaare Xamze oo la kulmay Wafdi ka socda Bangiga aduunka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson, oo ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’adaha dowladda Federaalka.

Kristina waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bangiga Adduunku ka wado Soomaaliya – gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda – iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.

Ad
Previous articleMaxkamadda sare ee kenya oo amartay in lagu celiyo tirinta codadka Doorashada
Next articlePuntland oo Dowlada Xasan shiikh markale Dhaliishay Farmaajana Ha arin ku amaanay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here