Home Wararka Caalamka Maxkamadda sare ee kenya oo amartay in lagu celiyo tirinta codadka Doorashada

Maxkamadda sare ee kenya oo amartay in lagu celiyo tirinta codadka Doorashada

0

Maxkamadda Sare ee Kenya oo aqbashay dacwad ka dhan ah Doorashadii dhacday 9kii August 2022 una gudbiyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalkaas Raila Odinga kaddib markii uu ku qanci waayay natiijada uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka ayaa amartay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay 15 goob.

Dhageysiga kiiskaan oo furnaanaya illaa Jimcaha 2da September 2022 waxa ay dib usii dhigeysaa in William Ruto oo Guddiga Doorashooyinka & Xuduudaha kenya ka heysta natiijada Codbixinta uu kasoo saaro uu baaqi kusii ahaado sugista go’aanka ugu dambeeya.

Raila oo Gaari Xamuul ah ku qaaday caddeymaha guusha uu sheeganayo in uu Guddiga si mas’uuliyad darro ah ugu dhawaaqay natiijo aanay sax ahayn ayaa warkaan u ah mid uu ku farxo maadaama dacwadda uu gudbiyay uu ku guuleystay.

Ruto oo qudhiisa dhawaan hadlay waxa uu Maxkamadda ugu baaqay in aanay waqti ku lumin dib u tirinta & dib ugu laabashada Doorashada balse loo gudbo sidii uu xilka ula wareegi lahaa si uu u noqdo Madaxweynaha 5aad ee Jamhuuriyadda kenya.

Goobaha codadkooda dib loo tirinayo oo ay dacwadda si gaar ah uga gudbiyeen Raila Odinga iyo musharraxa ku xigeenkiisa Matha Karua ayaa ku yaalla 4 Gobol oo kala ah Kericho, Nandi, Nyandarua & Mombasa. Saddexda goob ee Kericho, Nandi & Nyandaruagobol ayaa looga codeeyay Ruto, halka Dadka deggan Mombasa ay u codeeyeen Odinga.

Madaxa caddaaladda ee dalka Kenya Martha Koome ayaa sheegtay in marki ay tixgaliyeen doodda ay soo bandhigeen Raila Odinga iyo qareennadiisa ay garsoorayaashu soo saari doonaan go’aan ku saabsan dhowr su’aalood.

Arrinta koowaad waa in teknoolajiyadda ay guddiga doorashada ee IEBC u adeegsadeen qabashada doorashada guud ee 2022 ay buuxisay heerarka daacadnimada, xaqiijinta, amniga iyo hufnaanta si loo xaqiijiyo natiijooyin sax ah oo la xaqiijin karo Koome.

“Arrinta labaad ayaa ah haddii ay jirtay wax is-dabamarin markii la soo dejinayay ama lasoo gudbinayay foomamka 34A ee goobaha codbixinta ee la galiyay bogga IEBC dadwaynaha. Arrinta saddexaad ayaa ah haddii uu farqi u dhexeeyo foomamka 34A ee la soo galiyay bogga dadweynaha ee IEBC iyo foomamka 34A ee ay la geeyay Xarunta Qaran ee la socodka natiijada iyo foomamka 34a oo la siiyay wakiilada goobaha codbixinta”  ayay hadalkeeda sii raacisay.

Cabsi xooggan ayaa laga qabaa in Kenya oo sooyaalka ku gashay murannada ka dhasha Doorashooyinka ay isu gacan-qaadaan taageerayaasha William Ruto oo heysta natiijada Guddiga Doorashooyinka & kuwa Raila Odinga ee doodda ka qaba.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Xoog Kula Wareegtay Degaan Ciidamada Macwislaydu Dhawaan Qabsadeen
Next articleRa’isul Wasaare Xamze oo la kulmay Wafdi ka socda Bangiga aduunka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here