Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Rag ka Tirsanaa Al Shabaab oo ku dhintay qarax ay ku xirayeen...

Rag ka Tirsanaa Al Shabaab oo ku dhintay qarax ay ku xirayeen Ceel Biyood

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xubno katirsan dagaalyahanada Al Shabaab ku dhinteen, qarax miino ay ku xirayeen Ceel biyood kuyaalla tuulada Tara Shanta ee kutaalla inta u dhaxeysa Baledweyne iyo Halgan.

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Soomaaliya ee Sonna, ayaa sheegtay in xubno katirsan Al Shabaab ku dhinteen qarax miino ay doonayeen in ay ku xiraan Ceel biyood kuyaallay tuulada Tara Shanta.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramay in meydadka ragii doonayay in qaraxa ku xiraan Ceelka tuuilada Tara shanta ay halkaasi yaalleen in muddo ah, waxa ayna xuseen in ragaasi ujeedkoodu ahaa in dadka waayaan meel ay biyo ka cabaan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan wali ka hadlin qaraxan la sheegay in ay ku dhinteen ragii diyaarinayay, waxaana horey Al Shabaab u qarxiyeen ceelal biyood oo kuyaallay deegaano iyo tuulooyin kuyaalla gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Abaabulka dagaal xooggan oo si wada jir ah uga socda saddex maamul goboleed
Next articleWAR DEG DEG: Qaraxyo waa weyn oo ka dhacay magaalada Beledwweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here