Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey Abaabulka dagaal xooggan oo si wada jir ah uga...

Wararkii ugu danbeeyey Abaabulka dagaal xooggan oo si wada jir ah uga socda saddex maamul goboleed

0

Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa ku sii baahaya Gobollada iyo Maamul Goboleedyada Dalka, iyadoo weli socdaan abaabulka ciidamada maamul Goboleedyo hor leh.

Jubbaland ayaa la sheegay inay ku jirto diyaar garowgii ugu danbeeyay ee dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana dhowaan uu madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam shaaciyey inuu dagaalku ka bilaabanayo degaanada Jubbaland, kadib sanado ay difaac ahaayeen.

Dhinaca kale Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday degaanada maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka amniga Koonfur Galbed Maxamed Isaaq Cabdi iyo mas’uuliyiin kormeer ugu tegay ciidanka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay in maamulku uu u diyaar garoobay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kana bilaaban doono Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale waxaa Gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Maxaas ka socda diyaar garow cusub oo lagu doonayo in dib loogu qabsado deganaadii ay habeen hore banneeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee Moqokori iyo Yasooman.

Al-Shabaab ayaa Jimcihii qarax ku dishay taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, taasi oo mas’uuliyiinta dowladda ay sheegeen inay kusii dhiiri-gelineyso un inay dagaalka sii xoojiyaan

 

 

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeyey Ciidamada Macislayda iyo kuwa Dowlada Oo Qarax lagula eegtay Hiiraan
Next articleRag ka Tirsanaa Al Shabaab oo ku dhintay qarax ay ku xirayeen Ceel Biyood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here