Home Wararka Maanta R/Wasaare Rooble iyo Masuuliyiinta Mucaaradka oo Kormeeray dhamaan Wadooyinkii La Furay

R/Wasaare Rooble iyo Masuuliyiinta Mucaaradka oo Kormeeray dhamaan Wadooyinkii La Furay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray furista waddooyinkii ku xirmay isku hor imaadyadii u dhaxeeyay Ciidankii ka soo horjeeday muddo kororsiga iyo ciidanka dowladda.

Goobaha dib loo furay ee difaacyada u yaalleen Ciidankii muddo kororsiga ka soo horjeeday ayaa kala ahaa Xaafadaha Siigaale, Barmuudo illaa aagga Mirinaayada.

Gawaarida cagaf cagafyada ayaa ka qeyb qaadanayay dib u furista waddooyinka oo carro-tuur difaac ah ka sameysteen Ciidankii diidanaa muddo kororsiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku wareejiyay goobaha la furay ee jidka Mirinaayada ciidanka Booliska, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska.

Sidoo kale waxaa howlaha furista waddooyinka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga farsamada ee loo xilsaaray xal u helida qalalaasihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada Muqdisho ayaa dhaqan galkiisa uu maanta bilowday, waxaana la filayaa illaa caawa Ciidamada ku jiray furimaha in illaa caawa laga saaro.

 

 

Ad
Previous articleWadooyinkii ay xireen Milateriga oo dib Loo Furay.
Next articleDowladda Kenya maxay ka Tiri Go’aankii Dowladda Soomaaliya ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here