Home Wararka Maanta Dowladda Kenya maxay ka Tiri Go’aankii Dowladda Soomaaliya ?

Dowladda Kenya maxay ka Tiri Go’aankii Dowladda Soomaaliya ?

0

Dowlada Kenya ayaa ka hadashay soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya oo ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday maanta

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa ku tilmaantay tallaabadan mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay soo saartay maanta wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wax yar kadib markii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu ka helay dhambaal Amiirka al Thani oo loo sii mariyay ergeygiisa gaarka ah Mutlaq bin Majed al Qahtani.

Maalintii Isniinta ee 3-da May, ergeyga gaarka ah wuxuu sidoo kale fariin gaar ah gaarsiiyay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo.

 

Ad
Previous articleR/Wasaare Rooble iyo Masuuliyiinta Mucaaradka oo Kormeeray dhamaan Wadooyinkii La Furay
Next articleFarmaajo oo kulan la qaatay Dhaqaatiirkii La Tacaashay Caroona (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here