Home Wararka Maanta Qaramada Midoobay oo War Kasoo saartay Doorashada Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo War Kasoo saartay Doorashada Soomaaliya

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay maalinta caalamiga ah ee Haweenka (Sideeda March) oo maanta ku beegan, isla-markaana si weyn looga xusayo gudaha dalka Soomaaliya.

QM  ayaa ugu horreyn hambalyo guud u dirtay dhammaan haweenka Soomaaliyeed, iyada oo shaacisay inay muuujiyeen geesinimo iyo adkeysi.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha” ayuu yiri ergeyga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

James Swan ayaa soo hadal qaaday doorka haweenka ee doorashada, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in la gaaro qoondada loo qorsheeyey ee ah 30%.

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa xusay in metelaadda haweenka ay wax weyn ke beddali karto siyaasadda Soomaaliya.

“Waxaan bogaadinayaa doorka firfircoon ee haweenka Soomaaliyeed iyo u ololeynta geeddi-socodka doorashada federaalka ee socda si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee haweenka. Matalaadda haweenku waxa ay wax ka beddeli kartaa siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhigaysa mid loo dhan yahay oo wadar ah,” ayuu yiri James Swan.

Ad
Previous articleBurcad dhac ka Gaystay Masjidka al-ihsaan oo Gacanta lagu soo Dhigay(Sawiro)
Next articleHirshabeele oo Markale Hakisay Kuraas Xalay ay Shaacisay iyo Khilaad Xoogan oo ka Taagan Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here