Home Wararka Caalamka Burcad dhac ka Gaystay Masjidka al-ihsaan oo Gacanta lagu soo Dhigay(Sawiro)

Burcad dhac ka Gaystay Masjidka al-ihsaan oo Gacanta lagu soo Dhigay(Sawiro)

0

Ciidanka booliiska magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan labo nin oo burcad ah oo dhawaan dhac ka geestay gudaha masjidka Al-ihsan.

Kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa duubtay labadan ninka oo dhac u geesanaya masaajidka kana qaatay agabyo yaalay, waxaana booliiska howlgalo iyo baaritaano ay sameeyeen ku guuleesteen in ay aqoonsadaan soona qabtaan burcada.

War kasoo baxay taliska booliiska magaaladda St. Paul ayaa lagu sheegay in lasoo xiray labada nin ee burcada ah, waxa ayna booliiska ragaasi magacyadooda ku sheegeen Jeremy Allen Glass oo jira 32 sanno jir ah iyo Christopher Edward Hughes oo jira 34 sanno.

Burcadan booliiska xireen oo hada ku socdaan baaritaano ayaa la filayaa in lasoo taago maxkamad si loogu qaado ciqaabta dambiga ay galeen, waxaana tallaabada lagu xiray soo dhaweeyay Muslimiinta kunool .

Ad
Previous articleMaamulka Garbahaareey oo wali Diidan Tagista Gudigii Rooble Magaabacay iyo AMISOM oo Soo Faragalisay
Next articleQaramada Midoobay oo War Kasoo saartay Doorashada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here