Home Wararka Caalamka Qaar ka mid ah dadkii Nabiga (NNKH) aflagaaddeeyay iyo sida Silica leh...

Qaar ka mid ah dadkii Nabiga (NNKH) aflagaaddeeyay iyo sida Silica leh ay ku dhinteen

0

Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka qaarkood, oo ay ugu badan yihiin kuwa Muslimiinta, ayaa ka fal celiyay hadallo xad gudub ku ah Nabi Muxammad NNKH oo ay jeedisay afhayeenkii hore ee xisbiga talada dalka Hindiya haya ee BJP, Nupur Sharma.

Haweeneydan ayaa ku biirtay liiska shakhsiyaadka sida ula kaca ah u aflagaaddeeya Nabiga, carada laga muujiyay hadalkeedana waxa ay la mid tahay tii loogu jawaabay shakhsiyaadkii iyada ka horreeyay ee u bareeray inay meel uga dhacaan diinta Islaamka.

Mararka qaar waxaa dunida ka dhacay qalalaase meel sare gaaray oo ka dhashay aflagaaddada ka dhanka ah nabiga.

Sanadkii lasoo dhaafay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa mar uu khudbad ka jeedinayay shir madaxeedka Golaha Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in Muslimiintu aysan aqbali karin in lagu xad gudbo diintooda.

Haddaba waxaan dib u milicsanaynaa qaar ka mid ah dadkii u gafay Nabiga, oo qaarkood la dilay qaar kalena u dhinteen siyaabo kale.

Lars Vilks

Lars Vilks was under police protection because of his 2007 image of the Prophet Muhammad as a dog

Lars Vilks oo ahaa Farshaxamiiste u dhashay dalka Sweden ayaa sanadkii 2007-dii muran xoog leh ka dhaliyay caalamka kaddib markii uu u gafay Nabiga (NNKH), isagoo si qallafsan rasuulka ugu weeraray farshaxankiisa.

Booliska dalkiisa ayaa la wareegay amnigiisa kaddib markii uu helay hanjabaado badan. Sawirrada uu ku tilmaamay nabiga ayuu uga careysiiyay muslimiinta caalamka, oo in nabiga la sawiro u arka xad gudub wayn oo loo gaystay diinta Islaamka.

Muddo kaddib, horaantii bishii October ee sanadkii 2021-kii ayuu Lars Vilks ku geeriyooday shil gaari oo dhowr ruux oo kale ay ku dhinteen.

Waxaa lasoo tebiyay in gaari ay booliska leeyihiin oo uu Vilks saarnaa uu ku dhacay gaari kale oo xamuul ah, waxa uuna shilkaas ka dhacay meel u dhow magaalada Markaryd ee koonfurta Sweden.

Kooxda baaritaanka ku samaysay shilkaas, oo sidoo kale ay ku dhinteen labo askari oo ilaalo u ahaa ninkaas, ayaa sheegay in aysan arkin wax calaamad ah oo muujinaya in shilka uu ku yimid cillad.

Farshaxamiistaha 75 jirka ahaa ayaa marar badan loogu gooddiyay dil.

Samuel Paty

Samuel Paty, a well-liked teacher, received threats after showing the cartoons

Samuel Paty, oo ahaa macallin dugsiga sare dhiga oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa horaantii bishii October ee sanadkii 2020-kii ardaydiisa u soo bandhigay sawirro uu ku tilmaamayay Nabi Muxammad, arrintaas oo si weyn looga carooday.

Falkiisa ayaa sababay in loo jeediyo eedeymo badan, halka dadka qaarna ay ugu hanjabayeen dil.

Isla bishii October gudaheeda ayuu nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Abdoullakh Abouyedovich Anzorov weerar la beegsaday Samuel Paty, waxa uuna ku fuliyay dil gowrac ah.

Abdoullakh oo ahaa 18 kasoo jeeda Muslimiinta gobolka Chechnya ee dalka Ruushka ayay qudhiisa toogasho ku dileen booliska.

Dilka macallinta u gafay nabiga ayaa dhaliyay xiisad aad u wayn, waxaana mudaharaadyo iska soo hor jeeda ay ka dhaceen meelo badan oo ka mid ah caalamka.

Kurt Westergaard

Danish cartoonist Kurt Westergaard regularly received death threats after the publication of the cartoon in 2005

Kurt Westergaard, oo ahaa farshaxamiiste u dhashay dalka Denmar ayaa mar qura hadal haynta caalamka qabsaday kaddib markii uu 2005-dii sameeyay sawir uu ugu gafay nabiga (NNKH).

Muslimiin badan ayaa ka carooday arrinta uu sameeyay ninkan oo qaybta farshaxanka u qaabilsanaa wargayska Jyllands-Posten.

Ilaa horaantii 1980-meeyadii ayuu ka howl galayay wargayskaas.

Wixii ka dambeeyay marka uu aflagaaddeeyay nabiga waxa uu wajahayay culaysyo dhanka amniga ah kaddib markii loo diray hanjabaado badan oo dil ah.

19-kii bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2021-kii ayuu u geeriyooday xanuun muddo dheer hayay, xilligaas oo ay da’diisu ahayd 86 sano.

Deborah Emmanuel

Dilka Deborah Emmanuel ayaa loo xirxiray dhowr qof

Bishii May ee sanadkan, Dilka Deborah Emmanuel, oo ahayd haweeney u dhalatay Nigeria, ayaa WhatsApp Group oo ay saaxiibbadeed kula jirtay kusoo bandhigtay waxyaabo xad gudub ku ah Nabiga (NNKH).

Balse saaxiibbadeed oo arrintaas ka carooday ayaa billaabay in ay weerar ku qaadaan.

Waxay isku dayeen in ay ku weeraraan gudaha iskuulka ay dhiganaysay, hase yeeshee ciidanka amniga ayaa ka hor istaagay. Laakiin dadweyne badan ayaa xoog ku galay halkaas, iyagoo Deborah lasoo baxay kaddibna garaacid wadareed ku sameeyay, ilaa ay ka geeriyootay.

Dilka gabadhaas ayaa dood xoog leh ka dhaliyay dalka Nigeria.

Dadkii lagu eedeeyay kiiskan ayaa maxkamad la hor geeyay, waxaase halkaas kusoo xaadiray ilaa 34 qareen oo u istaagay in ay dadkaas difaacaan.

Ad
Previous articleP.M Rooble oo Si wayn usoo Dhaweeyey Wasiirka Arimaha Dibada ee Imaaraadka(Sawiro)
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo kulankii u horreeyey la yeeshay Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here