Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Si wayn usoo Dhaweeyey Wasiirka Arimaha Dibada ee Imaaraadka(Sawiro)

P.M Rooble oo Si wayn usoo Dhaweeyey Wasiirka Arimaha Dibada ee Imaaraadka(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho .

Wasiirkan ka socda dowladda Imaaraadka ayaa Muqdisho u yimid si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale kusoo wajahan Madaxweynayaal iyo masuuliyiin kale oo maanta ka qeyb galaya Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Ad
Previous articleAlshabaab oo Qarax ku Dishay Ciidamo Badan oo Ka Tirsan Danab ee maraykanku Tababaro
Next articleQaar ka mid ah dadkii Nabiga (NNKH) aflagaaddeeyay iyo sida Silica leh ay ku dhinteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here