Home Wararka Maanta Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulankii u horreeyey la yeeshay Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulankii u horreeyey la yeeshay Raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (Sawiro)

0

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-galeysa xafladda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka.

Abiy oo wafdigiisa ay qayb ka yihiin wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed oo ka mid ah madaxda caalamka ee dalka u yimid ka qeyb galka xafladda caleemosaarka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta dhaceysa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Intaasi, kadib Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la caleema saarayo.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan isbedelka siyaasaded ee ka dhacay dalka, sida ay warbaahinta  u sheegeen ilo wareedyo ku dhow kulankaas oo lagu kalsoonaan karo.

Ad
Previous articleQaar ka mid ah dadkii Nabiga (NNKH) aflagaaddeeyay iyo sida Silica leh ay ku dhinteen
Next articleDibad Baxyo Xoogan oo Ka Bilowday Soomaaliland iyo Xaalada Oo Cirka isku shareertay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here