Putin oo Markaan Wacad Ku Maray Inuu Adeegsan Doono Hubka Nukliyeerka iyo biden oo u jawaabay

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka Madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka.

“Aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka” ayuu yiri madaxweyne Biden, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey.

 

“Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaasoo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah” ayuu intaas ku daray

 

Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, iyadoo Puntin uu u yeeray illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeeray dhulka Ruushka, isagoo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.