Ciidamada Eritrea oo weerar Culus ku qaaday Tigray iyo dagaal Qaraar oo socda

Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dalka deriska la ah ee Eritrea ay maanta weerar baaxad leh kusoo qaadeen, islamarkaana dagaal xooggan uu ka socdo xuduudda.

Laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sidoo kale ku warramay in dagaal culus uu ka socdo xuduudda, islamarkaana madaafiic ay ku dhaceen xero ay ku sugan yihiin barakacayaal oo ku taalla xaafadda Ziban Gedena. Ma aysan sheegin haddii ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin dhulka gobolka Tigray.

Haddii la xaqiijiyo ka qeyb-galka ciidamada Eritrea ee dagaalka, waxay ka dhigan tahay inuu sii darsaday dagaalka oo dib u qarxay bishii tagtay kadib markii ay burburtay xabad-joojin jirtay tan iyo bishii March.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer ayaa maanta sheegay in Mareykanka uu ka war hayo in ciidamada Eritrea ay kasoo gudbeen xuduudda oo ay soo galeen gobolka Tigray ayna cambaareynayaan.