Home Wararka Somaliya Galmudug Diyaaradaha Maraykanka Oo Xalay Duqeeyey Degaano Ka Tirsan Galmudug

Diyaaradaha Maraykanka Oo Xalay Duqeeyey Degaano Ka Tirsan Galmudug

0

Dayuurado dagaal ayaa xalay ka geystay degaanno u dhaxeeya degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee bariga gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Duqeynta ayaa lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-shabaab oo ku yaalla degaanka Bulacle iyo deegaanno kale oo hoos yimaada degmada Ceelbuur.

Goob joogayaal ku dhow degaanadaas ayaa sheegay warbaahinta iney maqleen jug culus oo ah duqeynta ay dayuuradaha dagaalka geysnayeen.

Duqeyntan oo inta badan ay fuliyaan dayuuradaha Mareykanka ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaana weli wax war ah ka soo saarin.

Duqeynta ayaa timid ka dib markii gelinkii dambe ee shalay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerareen deegaanka Sina-dhaqo oo 30Km u jira magaalada Dhuusamareeb halkaasoo ay isku fara saareen ciidamada Gorgor  ee DF oo maalmo ka hor halkaas la wareegay.

Ad
Previous articleJeneraal Odowaa oo War ka soo saaray dagaal ka dhacay duledka Dhuusamareeb oo Alshabaab lagu Jabiyay
Next articlePutin oo Markaan Wacad Ku Maray Inuu Adeegsan Doono Hubka Nukliyeerka iyo biden oo u jawaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here