Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Masaafurisay Ajaanib ku sugneed Puntland

Puntland oo Masaafurisay Ajaanib ku sugneed Puntland

0

Maamulka Puntland oo kaashanaya hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ee IOM ayaa waxaa ay ka qaadeen Gudaha Puntland Qaxooti Itoobiyan ah oo muddo ku noolaa Magaalooyin ka tirsan Maamulkaasi Puntland.

Dadkaasi oo tiro ahaan gaaraya ilaa 42 Ruux ayaa waxaa dib loogu celiyay dalkooda Itoobiya, iyaga oo badi laga qaaday magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaxootigaas ay si nabad ah ku tageen dalkooda Itoobiya, iyaga oo ka faa’iideystay Barnaamij ay dadka dib ugu laabanayo dalalkooda ku caawineyso Hay’adda Socdaalka Adduunka Qaramada Midoobay ee IOM.

Dadka Itoobiyanka ah ee Puntland & hay’adda IOM ka qaadeen Magaalada Boosaaso ayaa muddo bil ah ku xayirnaa halkaas, iyaga oo si iskood ah u dalbaday in dalkooda dib loogu celiyo.

Puntland ayaa dhowr jeer oo hore qab qabatay dad u dhashay dalka Itoobiya, kuwaas oo doonayay inay ka tahriibaan Xeebaha Gobolka Bari si ay u gaaraan qaar kamid ah wadamada Carbeed sida Yemen iyo Sacuudiga.

Ad
Previous articleWiil Soomaali ah oo Xil sare ka qatay Wadanka Talyaaniga
Next articleDiyaarado Dagaal oo Duqeyma culus ka fuliyay Caasimada Gobalka Tigray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here