Home Wararka Maanta Diyaarado Dagaal oo Duqeyma culus ka fuliyay Caasimada Gobalka Tigray

Diyaarado Dagaal oo Duqeyma culus ka fuliyay Caasimada Gobalka Tigray

0

Duqeyn culus ayaa markale waxaa diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ay ka geysteen meelo kamid ah Caasimada Gobalka Tigray, halkaas oo ay siweyn ugu xoogan yihiin Ciidamada xoogga TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Itoobiya

Duqeyntaan  ayaa Maanta waxaa lala beegsaday Goobo muhiim ah sida Warshado’ Isbitaalo ‘ Suuqa Ganacsiga iyo Goobo istiraatiji ah sida ay sheegayaan dad Goobjoogayaal ah oo Warbaahinta la hadlay, waxaana Maamulka Tigreega ay ku edeeyeen Dawlada Itoobiya inay duqaynta la beeg saneyso goobaha Rayidka.

Xoghayaha guud ee QM antonio Guters ayaa sheegay inay aad uga walaac san’ yahiin dhibaatada ka Taagan waqooyiga Ethiopia ee sii badanaysa’ iyada oy jiraan Duqaymo ka dhacay mekelle.

Antonio Guteres ayaa dhamaan dhinacyada Dagaalamaya ugu baaqay inay ka fogadaan’ Beeg-siga shacabka iyo Kaabayaasha Ganacsiga.

Ad
Previous articlePuntland oo Masaafurisay Ajaanib ku sugneed Puntland
Next articleGuddiga Doorashada Galmudug oo Maanta Galkacyo kula Kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here