Home Wararka Maanta Wiil Soomaali ah oo Xil sare ka qatay Wadanka Talyaaniga

Wiil Soomaali ah oo Xil sare ka qatay Wadanka Talyaaniga

0

Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Cabdullaahi Axmed Macalin oo ah Soomaali ayaa loo doortay Golaha deegaanka magaalada Torino ee dalka Talyaaniga.

Cabdullaahi ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1988, waxaana sanadkii 2008-dii uu qaab soo galooti ah ku tagay jaziirada Lampedusa, sanadkii 2016 ayuu qaatay dhalashada dalka Talyaaniga, sidoo kale sanadkii 2014 ayaa loo aqoonsaday Muwaadin sharafeed magaalada uu deganaa.

Doorasho ka dhacday magaalada Torino ayuu Cabdullaahi ku guuleystay mid ka mid ah 24-ka kursi ee Golaha Deegaanka magaalada Torino ee Waqooyiga dalka Talyaaniga, isagoo ka mid ahaa xisbiga Dimuqraadiga.

Soomaali badan oo wadankaas ku nool ayaa u hambalyeeyay Cabdullaahi waxayna sheegeen inuu yahay Shaqsi Matali kara Soomaalida  ku nool wadanka Talyaaniga.

Ad
Previous articleDiiwaan galinta Musharaxiint Aqalka sare oo Maanta ka bilaabatay Kismaayo
Next articlePuntland oo Masaafurisay Ajaanib ku sugneed Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here