Home Wararka Somaliya Puntland Puntland oo Mar kale xakun ku riday Dhalinyaro badan

Puntland oo Mar kale xakun ku riday Dhalinyaro badan

0

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta ku xukuntay dil toogasho ah 8 dhalinyaro ah oo lagu helay dambi ah inay ka mid ahaayeen shabakad katirsan Al Shabaab oo dilal iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.

Maxkamada ciidamada Puntland, ayaa soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal oo ay eedeesanayaashu ku qiranayeen in ay ka dambeeyaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.

Raggan dilka lagu xukumay ayay Maxkamadda u qabatay in muddo 30 cishe ah oo racfaan ah uga qaadan karaan, si ay u qabsadaan qareenno u dooda oo ka difaaca dambiyada ay ku mutaysteen xukunka dilka ah.

Waa markii labaad oo ay Puntland xukun dil ah ku rido xubno katirsan Al shabaab, muddo todobaadyo gudihiis ah. 18 kamid ah xukumanayaashaas ayaa lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

Ad
Previous articleTaliyaha Ciidamada lugta oo gaaray Galkacyo (Sawiro)
Next articleMuqdisho waxaa ka Jirta Sicir barar Xoogan waxaana sare u kacay Qiimaha Raashinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here