Home Wararka Maanta P.M Xamze oo Maantay Si Rasmi ah u Shaqa Bilaabay

P.M Xamze oo Maantay Si Rasmi ah u Shaqa Bilaabay

0

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay Xafiiskiisa , kaddib markii uu shalay xilka la wareegay.

Ra’isul Wasare Xamse Cabdi Barre ayaa saakay usoo shaqo tagay xafiiskiisa , waxa uuna Ra”isul Wasaaraha kulamo la qaatay qaar kamid ah shaqaalaha xafiiskiisa iyo agaasimayaasha kala duwan iyo xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Xamse Barre ayaa shalay xilka kala wareegay Ra’isul Wasaarihii ka horeeyay Maxamed Xuseen Barre, waxaana Ra’isul Wasaaraha cusub laga sugayaa maalmaha soo aadan in uu soo magacaabo golle wasiiro cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Xamse ayaa wada wadatashiyo ku aadan magacaabista golaha wasiirada iyo xubnaha laga yaabo in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaaraha Cusub oo Maanta si RASMI ah u Shaqa bilaabay
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya Oo Maalinkii Labaad Ku Dhagan wasiir Beyle iyo Fadeexad Banaanka Usoo Baxday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here