Home Wararka Maanta Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maalinkii Labaad Ku Dhagan wasiir Beyle iyo Fadeexad Banaanka...

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maalinkii Labaad Ku Dhagan wasiir Beyle iyo Fadeexad Banaanka Usoo Baxday

0

Bayle oo su’aallo adag ay weydiiyeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey lacag ay dowladda federaalka kasoo deynsatay IMF, 2021-kii, taas oo shaki weyn laga muujiyey waxa ay tahay iyo qaabka loo maareeyey.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qiray in lacagtaas ay isugu jirto deyn iyo deeq sida uu hadalka u dhigay.

“Lacagta SDR si ay deyn u noqoto shuruud ayey leedahay, haddii aysan waqti lagu bixiyo laheyn waa Grant, waxa u dhexeeya labadaas ayaa jira. SDR waa lacag loogu-talagalay markii ay dalalku qilqiil galaan waa markii labaad oo IMF ay lacagtaasi bixineyso, markii aad hesho lacagtaas ayaa la bixiyaa,” ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda Somalia.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Bishii August 2021 ayaa lacagtaas la qaybiyey dalku xaggee joogay markaas, xaggee xildhibaano joogeen? dalkan in la badbaadiyo ayaa lagu talagalay”

 

Wasiir Bayle ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay xisaab celinta lacagtaasi, uuna caddeymaheeda horkeenayo baarlamaanka Soomaaliyeed.

“Baarlamaanka hala geeyo waxaan diyaar u nahay xisaab celinteeda, annigu lagactaas ma oran mana waa Grant ,” ayuu markale yiri wasiirku.

Inta badan xildhibaanada madasha ka hadlay ayaa ku cel-celinayey in wasiirku aysan caddeyn jawaabihiisa, ayna dalbanayaan inuu sugo, maadaama ay tahay xisaab.

Si kastaba, Bayle ayaa wajahaya tuhuno la xiriira mad-madow badan oo ka jira xisaab-xirka dowladda, isaga oo diiday inuu xortago xeer ilaalinta qaranka oo Isniintii u yeertay.

 

Ad
Previous articleP.M Xamze oo Maantay Si Rasmi ah u Shaqa Bilaabay
Next articleXujeydii Somaliland ee sanadkan oo Farsamo layaab leh ku dhoofay kadib diidmadii maamulka Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here