Home Wararka Maanta P.M Xamse oo Go’aan Culus ka Gaaray Murankii Ka Taagnaa Cida Maamulaysa...

P.M Xamse oo Go’aan Culus ka Gaaray Murankii Ka Taagnaa Cida Maamulaysa Gargaar Dowlada Imaaraadku Soo Gaarsiisay Soomaaliya(Sawiro)

0

Raysalwaasaaraha Soomaaliya ayaa amray in Wasiiru dowlaha Xaafiiskiisu la wareego Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka, waxaana xilwareejintu ka dhacday xaafiiska Raysalwasaaraha.

Talaabada Raysalwasaare Xamse ayaa soo afjartay damacii Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha uqaabilsan Abaaraha Cabdiraxmaan Warsame ku doonayay in wasaaraddan maamusho, xili laga reebay liiska wasaaraddaha dawladda.

Todobaadkii hore ayaa Xaafiiska Cabdiraxmaan Warsame isku dayay in ay sheegtaan doorka wasaaradda Arrimaja Gargaarka, balse Xamse ayaa iska diiday damacooda.

Qoraal kasoo baxay Xaafiiska Raysalwasaaraha ayaa lagu cadeeyey in Gargaarka dadka loogu talogalay si hufan loo gaarsiin doono, iyadoo lamarinayo Wasiiru dowlaha Xaafiiska Raysalwasaaraha dalka.

Ad
Previous articleRaila oo shuruud ku xiray tagista goobta lagaga dhawaaqayo natiijada doorashada.
Next articleGuddiga doorashada Kenya oo laba garab u kala qeybsamay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here