Home Wararka Maanta Raila oo shuruud ku xiray tagista goobta lagaga dhawaaqayo natiijada doorashada.

Raila oo shuruud ku xiray tagista goobta lagaga dhawaaqayo natiijada doorashada.

0

Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga, kaasoo la yiraahdo, Saitabao Kanchory, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay xaqiijiyaan qaar ka mid ah natiijada doorashada.

Wuxuu intaa ku darey, mar haddii arrini sidaasi tahay, aanay ka codsan doonin musharaxooda madaxweynenimo inuu yimaado xarunta lagu ururinayo natiijada doorashada guud ee dalka Kenya.

Warbixin kooban oo qayb kamid ah loo oggolaadey iney arkaan warfidiyeenada maxaliga ah, ayuu ku sheegay inay jiraan khaladaad dhanka doorashada ah.

Kanchory ayaa waxaa garab taagnaa qaar kamid ah hoggaamiyayaasha isbaheysiga, Azimio ee Mr Odinga, barasaabka Kisumu, Anyang Nyong’o, iyo barasaabka la doortay ee Siaya, James Orengo.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku xigeenka Kenya oo Hogaaminaya Tirada codadka ee Madaxweynaha
Next articleP.M Xamse oo Go’aan Culus ka Gaaray Murankii Ka Taagnaa Cida Maamulaysa Gargaar Dowlada Imaaraadku Soo Gaarsiisay Soomaaliya(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here