Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Qarax ku Dishay Ciidamo Badan oo Ka Tirsan Danab ee...

Alshabaab oo Qarax ku Dishay Ciidamo Badan oo Ka Tirsan Danab ee maraykanku Tababaro

0

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran qarax miino lagula beegsaday wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamadaas oo la sheegay in ka baxeen magaalada Muqdisho.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi qaraxa ah lagu dilay ugu yaraan 15 askari oo ka mid ahaa askarta uu sida gaarka ah u tababaray Mareykanka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale warka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaan uu gubtay baabuurkii ay saarnaayeen ciidamadaasi.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan qaraxaasi.

Ammaanka wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa faraha ka baxay, waxaana horey loogu dilay mas’uuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ad
Previous articleMaamulka Galmudug iyo Dowlada Deegaanka itoobiya oo Ku Gulaystay inay Soo Celiyaan Xoola Dhawaan laga Dhacay Dad reer Guura ah oo kasoo Jeeda Galmudug
Next articleP.M Rooble oo Si wayn usoo Dhaweeyey Wasiirka Arimaha Dibada ee Imaaraadka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here