Home Wararka Maanta Xildhibaano loo diiiday inay galaan Teendhada Afisyoone

Xildhibaano loo diiiday inay galaan Teendhada Afisyoone

0

Xiiisad xoogan ayaa weli ka taagan aagga Teendhada Afisyoone oo lagu wado in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ku xigeennadiisa 1-aad iyo 2-aad.

Doorashada oo ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay ayaa waxaa lasoo warinayaa in weli xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, oo loo diiday inay dhaafaan baraha kontorool.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in isaga iyo xildhibaano kale oo ku sii socday goobta doorashada ay ciidamo Boolis ah ku celiyeen irdihii laga galo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Ciidamada Police ka ayaa si fowda ah irdihii laga galayey Aden Cadde Airport gabi ahaanba diiday in xildhibaanadu tagaan teendhadii doorashada gudoonka golaha shacabka ka dhici lahayd,” ayuu ku yiri qoralka uu soo saaray Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay ka dambeyso Villa Soomaaliya, gaar ahaan maamulka hayey hoggaanka dalka, shantii sano ee lasoo dhaafay.

“Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ayaa khaatumadeedii kusii guda jirnaa,” ayuu sii raaciyey xildhibaanku.

Ad
Previous articleP.M Rooble oo Dalka Dib ugu soolaabtay Shir Deg deg ahna Galay
Next articleGuddomiye Dhabancad”“Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here