Home Wararka Maanta P.M Hamza oo khadka telefanka kula xiriiray Saraakiisha dagaalka horkaceysa 

P.M Hamza oo khadka telefanka kula xiriiray Saraakiisha dagaalka horkaceysa 

0

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa si toos ah Khadka Taleefanka ugula hadlay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Hoggaaminaya Kacdoonka Al-shabaab looga xoreynayo dalka ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha Ciidanka, General Odowaa Yuusuf Raage ku bogaadiyay doorkooda hoggaamineed howlgalka guuleystay ee dib-u-xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha telefoonka uu kula hadlay waxay kala yihiin Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-Caddaala, Xildhibaan Maalik Cabdalla, Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, Guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdullaahi Muuse iyo Cali Cismaan Cabdi (Cali Guud) oo ka mid ah abaanduulayaasha ciidanka deegaanka.

“Ra’iisul Wasaaraha oo ka duulaya mabaadii’da ku qotoma Tiirka Dib u Xoreynta iyo Sugidda Amniga, ayaa wuxuu tallaabadan u qaaday si uu u dhiirigeliyo naftood hurayaasha ku sugan jiidda hore ee dagaalka gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha

Ad
Previous articleDagaal Culus oo Wali Ka Socda Gudaha Degaanka Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii laisku Fiidsaday ee ka Dhacay Deeganada Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here