Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii laisku Fiidsaday ee ka Dhacay Deeganada Galmudug

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaalkii laisku Fiidsaday ee ka Dhacay Deeganada Galmudug

0

Xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay iney galabta weerar rogaal celis ah ku soo qaadeen qaar ka mid ah degaanadii saaka laga saaray ee gobolka Galgaduud.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta DF C/raxmaan Al-Cadaala oo ku sugan jiidaha dagaalka ayaa sheegay in Al-shabaab lagu jebiyey weerarada ay soo qaadeen khasaare xoogana loo geystay inkastoo uusan magcaabin degaanada ay Al-shabaab ku soo qaaday weerarada rogaal celiska ah.

HOOS KA AKHISO QORAAL UU BOGGIISA FACEBOOK KU SHAACIYEY WASIIR AL-CADAALADA.

Afar weerar oo ay soo qaadeen Khawaarijta Alshabaab si ay uga soo kabtaan jabkii saaka kasoo gaaray hawlgalkii Gobalka Galguduud waxeey kala noqdeen dhimasho ka badan 30 iyo dhaawac ka badan 55 maleeshiyaadkooda ka tirsan.

Waxaan ilaaheey uwaydiinayaa in uu Shahaadadooda u aqbalo Shuhadada dhankeenna ah dhaawacana inoo bogsiiyo.

Waxaan markale ammaan aad uwayn ujeedinayaa Mujaahidiinta huwanta ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha Deegaanka.

Waxeey si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan dhulkii laga xoreeyay khawaarijta waxeeyna u diyaarsan yihiin waajib gudashada xigta Insha allaah

Ad
Previous articleP.M Hamza oo khadka telefanka kula xiriiray Saraakiisha dagaalka horkaceysa 
Next articleYuusuf Dabageed oo xilkii ka qaaday Wasiir ka tirsan Mamulka Hirshabelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here