Home Wararka Maanta Nabadoon Cabdullaahi Hassan oo Goordhow La Dilay iyo Xaalada Jahawareer ah oo...

Nabadoon Cabdullaahi Hassan oo Goordhow La Dilay iyo Xaalada Jahawareer ah oo Ka Taagan Dilkiisa

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa goordhaw xaafada Nuur Xawaad ee magaalada Baladweyne waxa ay ku dileen Nabadoon Cabdullaahi Hassan Cawaale (Tooratoor) oo kamid ahaa waxgaradka magaaladaasi.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxda hubeesan ay rasaas huwiyeen nabadoonka , waxaana dilka kaddib kooxda hubeesan eryaday dad ka agdhawaa halka dilku ka dhacay, hasa ahaatee kooxda hubeesan ayaa dadka ku tuuray bambaaooyin.

Rasaas iyo qaraxyada bambaanooyin ayaana si weyn looga maqlay aaga uu dilku ka dhacay, waxaana goobtaasi si degdeg ah usoo gaaray ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida oo halkaasi howlgalo kawada.

Nabadooka la dilay ayaa kamid ahaa waxgaradka caanka ka ah gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne, mana jiro ilaa hada wax war ah maamulka gobolka Hiiraan iyo laamaha ammaanka kasoo saareen dilkan.

Ad
Previous articleMaxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaaminaya dadka Laascaanood ee ka soo hor jeeda Somaliland?
Next articleSweden oo Sheegtay in Gubista Quraanka ay halis ku tahay Amaanka iyo Danaha Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here