Home Wararka Somaliya Somaliland Maxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaaminaya dadka Laascaanood ee ka soo...

Maxaad ka taqaan afarta nin ee hoggaaminaya dadka Laascaanood ee ka soo hor jeeda Somaliland?

0

Ku dhawaad labo isbuuc waxaa magaalada Laascaanood ka taagan colaad u dhexeysa ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo ciidan bulshada deegaanka ah oo kasoo horjeeda in ciidamada Somaliland ay sii joogaan deegaankooda.

Dibadbaxyadii ka dhashay dilkaas iyo jawaabta ciidamada booliska ayaa xiisada cirka ku sii shareeray.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Laascaanood ka jiray qalalaase isu baddalay dagaal toos ah oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac

Waa Garaadka Ugu Darajada Sareeya, uguna Samaaynta Wayn bulshada Deegaanka Iyo Dgaqanka.

Garaad Jaamac ayaa hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaadda golaha, isagoo shir-guddoomiya kulamadooda.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dhashay sanadkii 1974. Waxa uu sanadkii 2006 garaadnimada ka dhaxlay adeerkiis Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ku sime ahaa, isla sannadkaas ayaana loo caleema saaray.

Garaad Jaamac oo ku abtirsada 19 garaad waxa uu aabihii Garaad Cali geeriyooday bilowgii 1985-kii, isaga oo markaas 15 jir ah oo aan weli gaarin da’da uu xilka uga dhaxli karo.

Garaad Cabdiqani oo ah garaadka dhintay walaalkiis ayaa bishii May ee 1985-kii la caleemasaaray.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu hadda deggan yahay guri uu ku leeyahay magaalada Laascaanood.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed

Waa garaadka labaad ee ugu sarreeya garaaddada gobolka, waxa uuna hoggaanka hayaa marka uusan joogin Garaad Jaamac.

Waxa uu ku abtirsadaa ilaa 8 garaad oo uu kasoo jeedo.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan waxa uu dhashay sanadkii 1969.

Aabihiis oo ahaa garaad magac weyn lahaa ayaa geeriyooday dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay.

Intii ay socdeen rabshadaha Laascaanood ayaa loo gartay in uu noqdo garaadka.

In muddo ah ayu uku howlanaa xallinta xiisad socotay tan iyo 2012-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof. Waxa uu dhibaatadaas soo afjaray isagoo aan weli loo caleema saarin garaadnimada.

Garaad Cabdullaahi waxa uu waxbarashada ka gaaray ilaa heer Dugsi Sare ah.

Dhawaan ayaa la filayaa in la caleema saaro Garaad Cabdullaahi si uu rasmi ahaan ula wareego xilkii aabihiis.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale

Kaalinta saddexaad ee garaaddada bulshada gobolka waxaa ku jira Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo garaadnimada uu uga horreeyay aabihiis, halkaasna uga baxay abtirsiga garaadnimo.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxa uu dhashay 1971-kii. Waxa uu waxbarashada ku qaatay ilaadugsi sare dalka gudihiisa waxaana uu burburkii ka dib aadey dalka debediisa.

Waxa uu dalka dib ugu soo laabtay markii Garaad Ismaaciil Ducaale Guuleed geeriyoodey 2008-dii. Ka dib 2009-kii ayaa la caleemasaaray.

Warar ay BBC-du heshay ayaa sheegay in Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil uu yahay ninka abaabulay dadka deegaanka ee dagaalka kula jira ciidamada Somaliland.

Waxa uu soo jeediyay in madax-dhaqameedku ay ku soo xaroodaan Laascaanood.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in garaaddadu ay horkacayaan dagaalka ay qeybta ka yihiin bulshada is abaabushay.

Aaan ka sheegno in la eg inta aan ka sheegaty garaad Jaamac; weydiimaha waxbarashada, caleemasaarka iyo deegaanka ee kore waa muhiim; iyo sidoo kale isha xogta ama haddii uu garaadka toos noogu sheegay xogtan

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Durraan

Waa garaadka afaraad ee ku abtirsada garaaddada soo jiray wixii ka horreeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe waxa uu dhashay sanadkii 1964.

Waxa uu booska afaraad uga jiraa liiska kala sarreynta garaaddada dhaqanka, isagoo hoggaanka shirarka qabta marka ay maqan yihiin saddexda garaad ee kale.

Garaad Cabdirisaaq Garaad soofe waxbarashadiisa waxa ay ahayd Dugsi Sare, ka dibna waxa uu noqday ganacsade.

Waxa uu sanadihii u dambeeyey dhinaca hoggaanka dhaqanka kala shaqaynayey Aabihii isagoo ganacsigiisana sii wata.

Shakhsiyaadka kale ee ugu magaca dheer odayaasha dhaqanka ee Laascaanood waxaa ka mid ah Suldaan Maxamuud Aw Seed oo saameyn ku leh dagaalka.

Inta badan waxaa adag in xog rasmi ah laga helo xaaladda gudaha ee magaalada Laascaanood, sababo la xiriira amni darrada uu sababay dagaalka.

Ka hor inta aysan xaaladdu isu beddelin gacan ka hadal waxaa halkaas ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo daba socday dilal kusoo batay Laascaanood, kuwaasoo ay dadka deegaanku ka cabanayeen.

Aaan ka sheegno in la eg inta aan ka sheegaty garaad Jaamac; weydiimaha waxbarashada, caleemasaarka iyo deegaanka ee kore waa muhiim; iyo sidoo kale isha xogta ama haddii uu garaadka toos noogu sheegay xogtan.

Ad
Previous articleNin 10 sano loo raadinayay dilka xaaskiisa oo ugu dambeyn sameeyay hal arrin oo sababtay qabashadiisa
Next articleNabadoon Cabdullaahi Hassan oo Goordhow La Dilay iyo Xaalada Jahawareer ah oo Ka Taagan Dilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here