Home Wararka Maanta Muxiyadiin Darba-weyne oo Halsano u qabtay Gudoomiyaha Gobalka banaadir

Muxiyadiin Darba-weyne oo Halsano u qabtay Gudoomiyaha Gobalka banaadir

0

Muxiyadiin Xasan Cali (Darba-weyne) oo ka mid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa hal sano u qabtay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir inuu ku dhiso dowlad uu yeesho gobolka, oo ay shacabka soo doortaan.

Darba-weyne oo hadal ka jeediyay munaasibad soo dhaweyn ah oo loo qabtay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxa uu kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo arrintaas, oo uu hore qeyb uga soo noqday guddoomiyaha.

“Hambalyada waxaa inoogu xiga dardaaran ee waxa laga rabaa daryeelka dadka ku nool gobolka Banaadir, nadaafadoodii, biyahooda nadiifta ahaa, sida kugu baranaya dhismaha waddooyinka iyo waxbarashada, waxaas oo dhan waa laga sugaa Madaalow,” ayuu yiri.

“Madaalow lix billood waa kugu filan tahay ku odhan maayo ee hal sano waa kugu filan tahay, wixii ka dambeeya hal sano waxaa ka rabna dowlada isla ogeyn in aan isla dhisno. Qeylo hadda ka qabto hadda gacanta taag, shacabkan ayaa kugu marqaatiyeyna ballan laga baxo ma rabo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan marnaba aqbaleyn in gobolka uu noqdo canshuur bixiyaha ugu badan haddana uusan helin meeqaamkiisa, sidaas darteedna loo baahan yahay in uu lamid noqdo dowlad-goboleedyada dalka.

“Sida ugu dhaqso badan oo ugu awood badan hal sano ayaa ku qabaneyna Yuusuf, waxaa rabna gobolkaan oo madaxweyne leh oo gobolada kalena ay gadaashiisa ku soo safan yihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Muxiyadiin Darba-weyne.

Darba-weyne ayaa kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ee sida weyn ugu dagaalama in gobolka uu helo meeqaamkiisa, isaga oo markastana madaxda u sheega in gobolka noqdo mid hela xaq iyo xaquuqdiisa.

 

 

Ad
Previous articleWasiirka gaashaandhiga Somaliya iyo taliyaha ciidanka xooga dalka oo maanta gaaray deeganka Dhisaq-shurufle
Next articleMadaxweynihii Hore ee Hirshabeele oo ka digay qorshe ay damacsan tahay dowladda Qatar oo halis ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here