Home Wararka Maanta Madaxweynihii Hore ee Hirshabeele oo ka digay qorshe ay damacsan tahay dowladda...

Madaxweynihii Hore ee Hirshabeele oo ka digay qorshe ay damacsan tahay dowladda Qatar oo halis ah

0

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka digay qorshe uu tilmaamay inay waddo Qatar, kaas oo ‘lagu xagal daacinayo’ howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab

Cali Cosoble ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Qatar ay haatan billowday cadaadis xoogan oo ku aadan sidii looga hotegi lahaa kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee billowday, ayada oo adeegsaneyso lacag iyo xaalado kale, sida uu hadalka ui dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshaheeda uu yahay in wadahadal lala furo kooxda Al-Shabaab, balse aysan daacad ka aheyn, sida uu ku sheegay warbixinta uu soo saaray.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa intaasi ku daray in Dooxa ay adeegsaneyso qaar ka mid ah maamullada dalka iyo siyaasiyiinta Soomaalida, si cadaadis loo saaro Xasan Sheekh, ugana laabto dagaalka uu ku dhowaaqay ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Halkan hoose ka aqriso:-

War i soo gaaray ayaa sheegaya iney dowladdii Qatar aheyd ay beerlaxawsi la dhex wareegeyso qaar ka mid ah maamullada iyo siyaasiyiinta Soomaalida ayadoo dooneysa in la joojiyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabab oo wada hadal lala galo.

Xaqiiqda waxey tahay Qatar wexey dooneysaa iney lacag ku bixiso sidii cadaadis loo saari lahaa Madaxweyne Xasan Shekh Maxamud si uu u oggolaado inuu wada hadal la furo argagixisada.

Sidaasoo ay tahay haddana Qatar daacad kama aha heshiiska ee wexey rabtaa iney Al Shabab sidey u dhan yihiin ka soo mid noqdaan maamulka dowliga ah iyo ciidamada kadibna ay la wareegaan talada dalka.

Qatar ma wexey la tahay in la moog yahay dibindaabyadii ay ku sameysay dowladdii rayidka aheyd ee Afganistan ee ay shirarka riwaayadeynta ah u qaban jirtay ayadoo isla markaana hub, saanad iyo dhaqaale ku bixisa sidey Daliban u qabsan lahaayeen Afganistan?

Qatar ma waxey is leedahay Soomaali waa Afrikaan aan garasho fog laheyn oo aan odorosi karin dibin daabyadii ay Soomaali ku heysay muddada ka badan labaatameeyada sano? Iyo weliba waa dad sabool ah oo ay baahi kaga caddahay wixii ka doonana laga sameysan karo?

 

 

 

Ad
Previous articleMuxiyadiin Darba-weyne oo Halsano u qabtay Gudoomiyaha Gobalka banaadir
Next articleDowladda oo sheegtay in la bur buriyay Maxkamad ay laheyd Al Shabaab ragna laga dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here