Home Wararka Maanta Boliiska oo soo Bandhigay tuugo Shacabka dhici jirtay

Boliiska oo soo Bandhigay tuugo Shacabka dhici jirtay

0

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degmooyinka Bari ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay kusoo qab qabteen rag Burcad ah oo la sheegay inay dhac u geysteen dad Shacab ah.

Raggan oo gaaraya ilaa 10 Dhalinyaro u badan ayaa lagu soo bandhigay Saldhiga degmada Kaaraan, waxaana Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ay sheegeen in dadka kunool degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid & Hiliwaa ay ku dhacayeen Mootooyinka Bajaajta oo ay wateen.

Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Cali Calasow Xasan ( Goofjooge) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkan ay ku baadi goobayeen haraadiga rag burcad ah iyo kuwo isticmaala maanka diooriya o dhibaato ku haayay Shacabka.

Wuxuu sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen Mootooyin la soo dhacay, balse aan la ogeyn dadkii laga dhacay iyo sidoo kale Agab badan oo ah waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ka qeyb qaata amni darrad kajirta Magaalada muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in laamaha Amniga Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay inay gacanta kusoo dhigaan cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa falalka Amni darro, sida Burcadda dadka dhaca u geysanaya iyo Ciyaal weerada.

Ad
Previous articleMuuse Biixi oo Ka Hadlay Baanbaxayada Ka Dhanka ah ee Ka Bilowday Soomaaliland
Next articleXildhibaankii goobta codaynta doorashada qofka ku dilay oo macaan iyo qaraar dhadhaminaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here