Home Wararka Somaliya Musharax Madaxweyne Jabriil ibraahim Cabdulle iyo Safiirka Talyaaniga oo Kulan yeeshay (Sawiro)

Musharax Madaxweyne Jabriil ibraahim Cabdulle iyo Safiirka Talyaaniga oo Kulan yeeshay (Sawiro)

0

Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha Dalka Talyaaniga u jooga Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi.

Kulankaan ayaa waxa diirada lagu saaray nidaamka doorashooyinka, iyada oo labada mas’uul ka wada-hadleen sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku haya doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka.

Jabril oo soo dhigay qoraal kooban bartiisa baraha bulshada ayaa waxa uu uga hadlay kulankaan, wuxuuna yiri “Waxaan maanta kulan muhiim ah wada yeelanay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Muqdisho Alberto Vecchi”.

Jabril ayaa sheegay in isaga Danjiraha aay ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo la xiriira Doorashooyinka iyo sida aay lagama maar-maanka u tahay qabsoomidda doorasho raali laga wada-yahay oo si xor iyo xalaal ah loo qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Wakiilka uu ka codsaday in uu si toos ah uga qeyb qaato wada-hadalada dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee isku haya hogaanka dalka.

 

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Faah Faahisay Shirka guddiga Farsamada ee Maanta Furmay
Next articleGuddiga Tacsida Madaxweyne Cali Mahdi oo Geel ku wareejiyay isbitaalo iyo Goobaha Agoonta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here