Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo Faah Faahisay Shirka guddiga Farsamada ee Maanta Furmay

Dowladda Soomaaliya oo Faah Faahisay Shirka guddiga Farsamada ee Maanta Furmay

0

Gudoomiyaha Guddiga Farsamada ee arimaha Doorashooyinka, ahna Wasiirka Warfaafinta JFS mudane Cismaan Dubbe,ayaa sheegay in maanta furmay shirkii Guddida Farsamada ee arimaha Doorashoyinka Qaranka.

Wasiirku waxa xusay in xubnaha guddidu ka doodeen diyaarinta ajandayaasha shirka qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalku ay yeelanayaan dhowaan.

Shirkan guddida farsamadu wuu furmay, waanu sii soconayaa maalmaha soo socda. Waxan rajaynaynaa in dhowaan ay inoo qabsoonto doorasho hufan oo horumar inoo horseedda. Ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe

Ad
Previous articleMadaxweyne ku Xigeenka galmudug oo Maanta Lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb (SAWIRO)
Next articleMusharax Madaxweyne Jabriil ibraahim Cabdulle iyo Safiirka Talyaaniga oo Kulan yeeshay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here