Home Wararka Maanta Milateriga Ruushka oo Gantaalo Culus ku Garaacay caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

Milateriga Ruushka oo Gantaalo Culus ku Garaacay caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

0

Ciidamada Ruushka ayaa maanta gantaallo ku garaacay caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaana ka dhashay qaraxyo waaweyn iyo khasaare kala duwan

Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka degdega ah iyo shaqaalaha gurmadka ay gaareen goobta duqeyntu saameysay

Mid ka mid ah Gantaalada ayaa ku dhacay dhismo ay dad degan yihiin, waxaana ku dhintay hal qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen afar kale oo ay ku jirto gabadh 7 jir ah.

Qaraxyo dhowr ah ayaa sidoo kale laga maqlayaa Kyiv, sarkaal ku sugan gudaha Ukriane ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan lix qarax ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Ukraine ayaa ku dhawaaqday shalay oo sabti aheyd in ciidamada Ruushka ay la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Severodonetsk, kadib duqeymo ba’an oo halkaas ka dhacay.

 

Ad
Previous articleMaxaabiis isku Dayday inay Xabsi ay ku jireen Ka Baxsadaan oo Ciidamada Dowladu Toogteen
Next articlePutin oo ku dhawaaqay in uu gantaallo Nukliyeer ah uu ku rakibanayo dal kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here