Home Wararka Caalamka Putin oo ku dhawaaqay in uu gantaallo Nukliyeer ah uu ku rakibanayo...

Putin oo ku dhawaaqay in uu gantaallo Nukliyeer ah uu ku rakibanayo dal kale

0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in gantaalaha riddada gaaban ee nukliyeerka uu siini doono dalka ay xulufada yihiin ee Belarus isla markaana uu siinayo bilaha soo socda.

Waxa uu sheegay in hubka Iskander-M “uu awood u leeyahay in uu xambaaro gantaallada baalistic-ga ah iyo kuwa caadiga ah iyo noocyada nukliyeerka ah”.

Hubkan uu Ruushka siinayo Belarus ayaa gaari karaa masaafo dhan 500 oo kiiloomiitar.

Putin oo ka hadlayay magaalada St Petersburg, wuxuu sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono sidii wax looga beddeli lahaa diyaaradaha dagaalka ee Belarus gaar ahaan nooca SU-25 si loogu rakibo hubka Nukliyeerka ah.

Xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo reer Galbeedka ayaa cirka isku sii shareertay, kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Putin ayaa tan iyo xilligaas wuxuu tilmaan ka bixiyay hubka Nukliyeerka, taasoo dadka qaar ay ku macneeyeen in uu digniin u dirayo dalalka reer galbeedka si aysan usoo faragelin dagaalka uu ku qaaday Ukriane.

 

 

Ad
Previous articleMilateriga Ruushka oo Gantaalo Culus ku Garaacay caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)
Next articleRaila Odinga oo ballan qaaday in uu dib furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here