Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Maxaabiis isku Dayday inay Xabsi ay ku jireen Ka Baxsadaan oo Ciidamada...

Maxaabiis isku Dayday inay Xabsi ay ku jireen Ka Baxsadaan oo Ciidamada Dowladu Toogteen

0

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Koonfur galbeed ayaa xaqiijiyay in maxaabiis ku jirtay xabsiga Baydhabo oo saaka isku dayay  inay baxsadaan la toogtay.

Mid ka mid ahaa maxaabiista ayaa ku geeriyooday toogashada xilli uu xabsiga ka baxsanayay waxaan gacanta lagu dhigay mid kale oo isna isku day sameeyay.

Labada maxbuus ee isku dayey iney ka baxsadaan xabsiga ayaa la sheegay in loo soo xiray dembiyo argagaxisanimo la xiriira, ayna ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa ilaaliya xabsiga magaalada Baydhabo ayaa la sheegay iney xoojiyeen amaanka xabsiga, waxaana la geeyey halkaas ciidamo xoojin ah.

Ad
Previous articleKhaadka Kenya oo Toos looga Dajin Doono Garoonka Hargaysa
Next articleMilateriga Ruushka oo Gantaalo Culus ku Garaacay caasimada Ukraine ee Kyiv (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here